Hooyo Soonmaaliyeed oo la shegay in uu ninkeedu gubay ayaa codsatay, garsoor iyo caddaalad, si ay xuquuqdeeda uga hesho ninkeeda oo ay sheegtay in muddo dheerba uu u geysanayay tacaddiyo lid ku ah bani aadannimada.

Haweeneyda oo lagu magacaabo Muslimo Cali Ibraahim, degganna deegaanka Mdogo oo ka tirsan Ismaamulka Tanariver ayaa hadda taalla isbbitaal ku yaalla magaalada Gaarisa oo la dhigay markii la gubay.

Muslimo ayaa Radio Tusmo u sheegtay, in markii uu dhibku ku dhacayay ay ninkeeda isku qabteen, arrin la xiriirta masruufka qoyska, dabadeedna uu isugu daray dil iyo gubid.

Waxay tilmaantay, in ninkeedu uusan xitaa geyn isbitaal, illaa iyo hadda aysan helin daryeel iyo caddaalad wax looga qabto dhibaatada loo geystay.

Hooyada dhibbanaha ah ayaa xustay, in ninkeeda oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan ay u dhashay dhowr carruur ah, muddadii ay la noolaydna ay kala kulmi jirtay dil joogto ah, daryeel laáan, handadaad, niyad-jab iyo dhibaatooyin kale.

Hooyo Muslimo ayaa intaas ku dartay, in dhibaatooyinkaas oo dhan ay ugu adkaysanaysan, si ay la noolaato ubadkeeda, haddase ay ka quusatay nolosha.

Ugu dambaynna, Hooyo Muslimo ayaa shacabka iyo dowladdaba ka codsatay, in laga caawiyo sidii ay xal ugu heli lahayd dhibaatooyinka xanuunka badan ee ku habsaday.

Eedeysanaha oo xiriir la sameysay TusmoFM ayaa diiday in uu ka hadlo arrimaha qoyskiisa iyo eedeymaha loo heysto