Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in dekedda Muqdisho ay shaqeyn doonto xilliyada habeenkii ah kadib markii loo dhammeystiray agabkii ay ku shaqeyn lahayd.

Raíisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya, Mahdi Guuleed, ayaa daahfuray furitaanka dekedda ee xilliyadii habeenkii, isagoo sheegay in ay kaalin ka geysan doonto kobaca dhaqaalaha dalka.

“Farxad ayay noo tahay in aan ku guuleysanno in dekeddu ay shaqeyso 24 saac”ayuu yiri Mahdi.

Shaqaalaha dekadda ayuu kula dardaarmay in ay si hufan ugu shaqeeyaan Shacabka Soomaaliyeed.