Dunidan aynu ku nool nahay maalinkasta waxa ka dhaca dhacdooyin kala duwan, bal aan dib idiin xusuusino dhacdooyinkii maanta oo kale dunida ka dhacay waxaana ka mid ah:

Maanta waa maalin Sabti  ah tariikhdu waa 11 bisha August waa maalinta  223’aad ee sanada 2018 waxaa ka haray sanadkan oo kaliya 142 Maalmood.

1:  1972 Maana oo kale Ciidamada Maraykanka ayaa ka soo baxay dalka Vietnam.

21988     Maanta oo kale kulan ka dhacay Magaalada Peshwar ee dalka Pakistaan ayaa lagu aas aasay ururka Al-Qaeda.

3:  1990     Maanta oo kale Ciidamo ka socday dalalka Masar iyo Moroco ayaa gaaray dalka Sacuudiga si ay uga qayb galaan howlgal caalami ah oo lagaga hortagayay weerar Ciraaq ay qorshaynaysay.

4:  1929 – Maanta oo kale Dad carab ah ayaa bilaabay weeraro ka dhan ah Yahuuda ku sugan Falastiin, iyagoo ka soo horjeeday dhismaha darbiga laga dhisayay Jerusalaam.

51960 Maanta oo kale dalka Chad ayaa xornimadiisa ka qaatay dalka Faransiiska.

6:  1966 –Maanta oo kale heshiis lagu soo afjarayay colaad u dhaxaysay dowladaha Malaysia iyo Indonesia ayaa lagu saxiixay Magalada Jakarta.

7:  2002 –Maanta oo kale in ka badan 90 qof oo ay ku jiraan caruur ayaa ku dhintay iska horimaadyo u dhaxeeyay Ciidamada dowlada Uganda iyo Maleeshiyaad hubaysan.

8: 2007 Maanta oo kale dalka-Sierra Leone waxaa ka qabsoomay doorashadii ugu horaysay ee Madaxtinimo tan iyo marki laba sano ka hor ay ka baxeen dalkaasi ciidamadii Nabad ilaalinta ee qaramada Midoobay.

 

By Bile Beshir Mehbub