Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa amar ku bixiyay in la soo xiro oo sharciga la horkeeno saraakiisha dowlada ka tirsan ee fasaxday dhismayaasha lagu dhisay goobaha aan munaasabka ahayn .

Mr. Kenyatta ayaa intaasi ku daray in dowlada  aysan dumin doonin oo kaliya goobaha sharci darada lagu dhisay balse ay talaabo ka qaadi doonto masuuliyiinti ogolaanshaha lagu dhisay bixiyay.

“ Waxaan hada ku jirnaa qorshe lagu burburinayo goobaha laga dhisay jiinka meelaha biyaha xambaara, taas oo sababtay in ay dhacaan fatahaado,” sidaasi waxaa yiri Madaxweyne Kenyatta.

Hadalka Madaxweynaha dalka ayaa ku soo beegmaya  xili maalmihii dambe ay socdeen ollale lagu burburinayo dhismayaal kala duwan oo ku yaala qaybo ka mid ah magaalada-tan-Nairobi, kuwaas oo la sheegay in laga dhisay meelo aan munaasab ahayn.