Cabdallah Xasan oo ah wadihii babuurki ku dhacay gaarigii buska ahaa ee ay saarnaeen ardada ayaa ka soo muuqday maxkamada horteeda .

Mr. Xasan  ayaa lagu so eedeyay dacwad la xariirta in uu sababay dhimashada 11 arday  iyo dhaawaca in ka badan 30 kale , kadib markii xawaare dheer uu ku kaxeeyay gaariga .

Eedayasane Xasan ayaa beeniyay eedaynta lagu soo oogay isagoo sheegay in aysan jirin eeda ah in baabuurka uu u waday si xawli ah.

ugu dambayn Garsooraha maxkamada ayaa u ogolaaday in Cabdalla Xasan lagu sii daayo lacag damiin ah oo gaaraya 1 Million oo shilinka dalka ah , waxaana dib ay u bilaaban doontaa dacwada ka dhanka ah darawakan 20 bishan August ee sanadkan 2018.