Ugu yaraan 9 arday ayaa ku dhimatay  halka 32 kalena ay ku dhawacmeen kadib markii shil uu galay gaari bus ah oo ay la socdeen.

Shilkan ayaa yimid kadib markii gaariga buska ah ee ardada siday uu ku dhacay gaari kale oo nooca xamuulka qaado ah.

Muthuri Mwongera oo ka tirsan laamaha Boliiska countiga Kitui  ayaa warbaahinta u xaqiijiyay dhacdadan,  isagoo xusay in ardada dhaawacantay loola cararay ispitaalka Mwingi si xaaladooda cafimaad loola tacaalo.

Ardada shilka gashay ayaa ka tirsanaa  schoolka St Gabriel Academy, waxaana marka uu shilka dhacayay ay ka yimadeen socdaal gaaban oo ay ku tageen Magaalada Mombassa.

Dhanka kale Sarkaal ka tirsan saraakiisha caafimaadka countiga Kitui ayaa sheegay in aradada qaar oo qabay dhaawacyo halis ah loo soo gudbiyay ispitaalka qaran ee Kenyatta national hospital ee Magaalada-tan Nairobi.