Wareegto kasoo baxday xafiiska raíisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Kheyrre, ayaa lagu magacaabay dhowr wasiir oo ka mid noqonaya xukuumadda Soomaaliya.

Raíisul wasaaraha oo u dhoofay dalka Suudaan saakay, ayaa waxaa wareegtada warbaahinta u akhriyay wasiirka wasaaradda warfaafinta, Daahir Maxamuud Geelle.

Wasiirrada la magacaabay ayaa buuxinaya boosas ka bannaanaa xukuumadda waxeyna kala yihiin

C/laahi Goodax Barre, waxaa loo magacaabay wasiirka waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta sare.

Sheekh Nuur Maxamed Xasan, wasiirka Owqaafta iyo arimaha diinta.

Xuseen Sheekh Maxamuud Xuseen, wasiirka Xanaanada Xoolaha.

Mudane C/laahi Bidaan Warsame, wasiirka Kalumeysiga iyo Kheyraadka badda.

Mudane C/qaadir Sheekh Cali Bagdaadi, wasiiru dowladaha madaxtooyada.

Mudane Shawaqar Ibraahim Cabdal, wasiir ku xigeenka wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha.