Wararka aan saaka  ka helayno Magaalada Jigjiga ee xarunta dowlada degaanka Somaalida Ethiopia ayaa  ku soo waramaya in xaalada Magaaladu xiligan ay degantahay.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo goor dhaweed kula hadalnay qadka tellefoonka ayaa inoo sheegay in xaalada saakay ay dagantahay, iyagoo xusay in isku socodka dadka iyo gaadiidku uu saakay caadi ku soo laabtay.

Sadiiq Nuur ibraahim oo ka mid ah dadka ku nool Magaalada Jigjiga oo la hadlay warbaahinta Tusmo ee Magaalada-tan Nairobi ayaa  inoo xaqiijiyay in aysan  jirin ciidamo ka tirsan Milatariga Ethiopia oo ku sugan gudaha Magaalada Jigjiga haatan.

Sidoo kale waxaa saaka caadi u shaqaynayay adeega korontada iyo biyaha  oo saacadihi aynu ka soo gudubnay ka maqnaa Magaalada.

Warar aynu helayno ayaa sidoo kale sheegaya in Magaalada  lagu arkayo Boliiska rabshadaha ka hortaga, kuwaas oo taagan hareeraha wadooyinka muhiimka ah.

Shalay ayay ahayd markii qalalaaso xoogan uu gilgilay Magaalada Jigjiga,  kadib markii Ciidamada Milatariga Ethiopia, oo kaashanaya kuwa boliis federaalka ay weerareen xarumaha dowlada deegaanka Somaalida Ethiopia,  iyagoo ujeedkoodu ahaa in gacanta ay ku dhigaan Madaxweynaha dowlada deegaanka Somaalida Ethiopia Cabdi Maxmuud Cumar.