Dowladda Ciraaq ayaa sheegtay in shaqadda laga Ceyriyay Shan sarkaal oo katirsanaa guddiga doorashooyinka ee dalka Ciraaq.

Shanta ruux ee shaqadda laga ceyriyay waxaa lagu eedeeyay wax isadabamrin iyo inay iibsadeen codadkii doorashada xiligii doorashooyinka kuraasta barlamaanka ee dalkaasi.

Xubnaha shaqadda laga eryay ayaa ka shaqeyn jiray gobolada Kirkuk, Anbar iyo meelo kale oo dalka ciraaq ka tirsan.

Saraakiishan ka tirsanaa guddiga doorashooyinka Ciraaq ayaa lagu wadaa in lasoo taago maxkamad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here