Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxa kasoo baxayaan Qarax Saaka ka dhacay degmada Hodan gaar ahaan Xaafadda Galmudug meel aan siddaasi uga fogeyn xarunta Ciidamada Asluubta.

Sidda ay warbaahinta u xaqiijiyeen dadka degaanka Labo Askari oo ka tirsanaa Ciidamada xoogga ayaa midna ku dhintay mid dhaawacmay ka dib Markii gaari ay wateen oo Noociso yahay Gaarib uu qarxay.

Qaraxa ayaa la sheegay in uu ahaa Mid gaariga lagu xiray sidda ay sheegeen Goobjoogayaal ka agdhawaa goobta uu qaraxa ka dhacay.

Qaraxa ka dib Ciidamo ka tirsan dowladda ayaa gaaray goobta uu falku ka dhacay, waxaana ay halkaasi ka qaadeen dhaawaca iyo Meydka Askarta.

Ciidamada Booliska ayaa sidoo kale howlgallo ka wadda goobta uu Qaraxu ka dhacay.

Qaraxyadda lagu xiro gawaaridda ayaa maalmihii lasoo dhaafay kusoo batay Magaalada Muqdisho, waxaana ku dhintay dhowr qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here