Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in dowladda Ereteriya ay kaalin qaadan doonto dhameynta Khilaafka ka dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale Imaaraadka Carabta.

Wasiirka Warfaafinta dowladda Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle oo ka hadlay Booqashadda Madaxweyne Farmaajo uu ku joogga dalka Ereteriya Waxaa uu sheegay in dhawaan dowladdaha Soomaaliya iyo Ereteriya ay isdhaafsan doonaan Safaarado.

Waxaa uu sidoo kale tilmaamay Wasiirka in dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay in la dhameeyo Khilaafka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta, islamarkaana ay soo dhaweynayaan Cidwalba oo ka qeyb qaadanaysa.

Daahir oo la hadlay VOA-da waxaa uu sidoo kale tilmaamay in Safarka Madaxweynaha uu ku joogga Asmara in uu yahay Mid Taariikhi ah.

Madaxweynaha Ereteriya iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa dhawaan Booqasho ku tagay Imaaraadka Carabta, waxaana dowladda Imaaraadka ay ka codsatay in la xaliyo Khilaafka kala dhaxeeya Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here