Dadka ku nool tuulada Ndeu ee   Countiga Lamu ayaa soo sheegaya in arkeen kooxa hubaysan oo ay ku tuhmeen in ay ka tirsanyihiin ururka Al-Shabaab ee Somaaliya.

Qaar ka mid ah dadka degaanka ayaa sheegay in dagaalyahanadda ay arkeen ay aad uhabaysanyihiin islamarkaana ay ku labisanyihiin darees cad.

Mr. Benson Mwangi oo ka mid ah dadka tuulada Ndeu ayaa warbaahinta u sheegay in kadib markii ay arkeen kooxahan hubaysan ay ku wargaliyeen Ciidamada Boliiiska dalka ay sugayeen in laamaha amaanku ay talaabo qadaan inta weerar uusan dhicin.

Taliyaha Ciidamadda Boliiska Lamu Charles Mbatu ayaa sheegay in ay suurtagal tahay in kooxahan hubaysan ee dadka degaanku ay arkeen in ay yihiin ciidamada amaanka dalka oo rondo ka samaynayay degaanadasi.

Maalmo ka hor ayay ahayd markii kooxa ka tirsan ururka Al-Shabaab ay weerar qasaaro sababay ay ka gaysteen degaanka Milihoi ee hoos taga Countiga Lamu.