Xabsigan indha caalamka soo jiitay ayaa ku yaala waqooyiga Magaalada Sydney ee xarunta dalka Australia, ma jirto wax guri ah ama albaab ah oo uu leeyahay jeelkan casriga ah ee dalka Australia laga dhisay.

Maxaabiista ku jirta xabsigan oo lagu qiyaasay in ka badan 400 oo Maxbuus ayaa toos u isticmaali kara tellfoono lagu rakibay jeelka oo xiliga ay doonana ay kala xariiri karaan eheladooda , waxaa intaasi dheer in Maxabiistu ay daawan karaan Muqaal baahiyaal ( telefishino)  nooca gacanta laga hago (touch-screen) kuwaas oo Iyana xabsiga diyaar ku ah xili kasta.

Waxaa sidoo kale Maxaabiista jeelkan ku xiran ay fursad u haystaan in ay bartaan aqoonkasta oo ay ubaahanyihin si berri markay xabsiga ka baxaan ay nolashooda u anfacaan.

Laamaha Boliiska ee u xilsaaaran jeelkan casriga ah ayaa sheegay in xili kasta ay kala socdaan dhaq dhaqaaqa Maxaabiista Kaamerooyin casri ah oo jeelkan ku wareegsan.

Hay’áddaha u dooda xuquuqul insaanka ayaa aad u soo dhaweeyay xabsigan dunida ku cusub ee soo jiitay indha dadyowga caalamka ku nool.

Xigasho:  Daily Mail

By Bile Beshir Mehbub

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here