Xisbiyadda siyaasada ee dalka Pakistan oo uu ka mid yahay xisbiga PMLN -ayaa waxay sheegeen in ay diideen natiijada ka soo baxday doorashadii ka dhacday Arbacadii dalkaasi.

Xisbiyadan ayaa waxa ay shegeen in doorashadani lagu shubtay islamarkana ay qaadacayaan.

Mid ka mid ah hogaamiyayaasha xisbiyadani Maulana Fazlur Rahman ayaa sheegay in ay qabanqaabin doonaan banaanbaxyo ay ku dalbanayaan in markale doorashada lagu celiyo.

Natiijooyinka ilaa iyo imika la shaaciyay ayaa muujinaya in xisbiga xiddigii hore ee ciyaaraha Kirikitka Imran Khan uu xubnaha ugu badan ka helay baarlamaanka Dalkaasi.

Gudiga doorashada ee dalka Pakistan ayaa waxay dhankooda beeniyeen in doorashada ay wax isdabamarin dhacday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here