Howlgaladaan saaka ka scocda Waqooyigi Magaalada Gaalkacyo ee Xaruunta Gobalka Mudug ayaa  yimid ka dib markii xalay Kooxo hubaysani dileen Taliyihii hore ee Ciidamada Booliska Bermidka Maamulka Puntland C/rashiid Xasan Xaashi (Gebi gebi) xili uu xalay  salaada Cishaha kusoo tukaday Misaajidka dabaqeynka ee Waqooyiga Gaalkacyo.

Ciidamada Amaanka Maamulka Puntland ayaa xalay waxay bilaabeen dadaalo lagu baadi goobaayo kooxihii Taliyaha dilay si gacanta loogu soo dhigo Cadaaladdana loo hor keeno iyadoo Ciidamadu ay gacanta kusoo dhigeen tiro dad ah oo lagu tuhmayo in ay qeyb ka ahaayeen falkaasi.

Wali kama hadlin Saraakiisha Ciidamada Booliska Maamulka Puntland dilka xalay loo gaeystay C/rashiid Xasan Xaashi Gebgebi oo soo ahaan jiray Taliyihii hore Bermidka Puntland ee Gobolka Mudug hadana ka mid ahaa Saraakiisha Ciidamada Maamulka.

Saraakiisha Ciidamada iyo Maamulka Degmada Gaalkacyo ee Maamulka Puntland ayaa la filayaa in ay ka hadlaan Howlgalka lagu xaqiijinaayo amaanka ee xalay ilaa saaka ka socda Waqooyiga Xaruunta Gobalka Mudug ee Gaalkacyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here