Habeenkii xalay ayaa Malaayiin qof oo kunool dunida ayaa arkay dayaxmadoobaadki ugu waqtiga dheeraa ee Qarniga soo mara adduunka,wuxuuna socday muddo saacado ah.

Malaayiin ruux oo kunool caalamka ayaa bilaabaya cibaado iyo alle bare,iyagoo weydiisanayay Alle in uu adoomadiisa uu u dembi dhaafo,Dayax madoobaadkan ayaana ahaa midkii ugu dheeraa qarniga 21aad, sida ay sheegayso hay’adda hawada sare u qaabilsan Maraykanka (NASA) loo yaqaano,taasi oo horey u saadaalisay.

Meelaha sida wayn looga dareemay waxaa ka mid ah dalkani kenya, Soomaaliya,qaar ka mid ah dalalka qaarada Afrika,Australia , bariga dhexe iyo qayo ka mid ah koonfurta Maraykanka .

Magaaladatan Nairobi ayaa ka mid ahayd magalooyinka sida wayn xalay looga dareemay dayax madoobaadka, waxaana Malaayiin ku nool magaalada Nairobi ay u deg degeen goobaha cibaadada si ay uga qayb galaan salaada la tukado marku dayuxu madoobado.

Siinisyahanada ayaa horey u saadaaliyay inuu dhacayo dayax madoobaadkani,iyadoo 24 saacadood ee la soo dhaafay ay soo baxayeen sadaal arintan ku aadan.

Dayax madoobaad ayaa dhacaa marka qorraxda, dhulka iyo dayaxu ay isku beegmaan,taa micnaheedu waa in dhulku uu soo kala dhex galayo qorraxda iyo dayaxa, oo uu ka xannibayo iftiinka qorraxda inuu gaaro dayaxa,sida ay sheegayaan culimada seyniska,waxaana Madoobaanshuhu uu dhacaa marka uu dayaxu galo hooska dhulka.

Inkastoo aysan ahayn markii ugu horeysay oo dayax madoobaad uu  dhoco ayaa hadana waxa la sheegaya in kii xalay uu ahaa kii ugu dheeraa qaranigan 21-aad.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here