(TUSMO FM )Nigeria– Mss. Jare,  waa gabar 5 sano jir ah oo ku nool Magaalada Logos ee dalka Nigeria, waxaana loo aqoonsaday gabadha ugu qurxoon dalka Nigeria kadib codayn balaadhan oo ka dhacday barta bulshada ee Instagram ,sida uu baahiyay wargayska Daily Mail ee Dalka Britain ka soo baxa.

Mss. Jare ayaa sawiro kala duwan oo laga qaaday oo la soo dhigatay barta bulshada ee Instagram waxaa ka soo jawaab celiyay dad badan oo dunida ku nool kuwaas oo aad ugu riyaaqay quruxda dabiiciga ah ee gabadha rabi u hibeeyay.

Sawiradda gabadhan yar ayaa  laga arkayaa iyadoo oo sii daysay timaheeda qurxoon, muqaal soo jiidasho leh, iyo sidoo kale indho qurxoon oo cad cad oo gabadhu ay leedahay .

Wargayska ayaa warbixintiisa ku sheegay in quruxda dabiiciga ah ee gabadhan ay leedahay darteed ay dad badan ku tilmaameen qurux rabaani ah.

In ka badan 20 Kun oo qof  ayaa ka soo jawaabay sawirka gabadhan oo lagu baahiyay barta instagram, waxayna isku raceen in gabadhan yar ay tahay gabadha ugu qurxoon dalka Nigeria.

 

Xigasho: Daily Mail.

By Bile Beshir Mehbub

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here