(TUSMO FM) Masar-  Beerta xayawaanka ee Garden Municipal Park ee ku taala dalka Masar ayaa lagu eedeyay in ay nashqadeyeen dameer si ay ugu ekaysiyaan dameer farow, kadib markii sawirka dameerkan la sheegay in loo ekaysiyay dameer farow lagu baahiyay todobaadkan warbaahinta caalamka iyo baraha bulshadda.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in arday lagu magacaabo Maxamuud Sarhaan uu soo dhigay bartiisa facebookiis sawiradda dameerkan la rinjiyeey si loogu ekaysiiyo dameer farow kadib booqasho uu ku tagay beerta xayawanka Garden Municipal Park ee dalka Masar.

Mr. Sarhan ayaa dhankiisa warbaahinta u sheegay in kadib markii beerta uu booqday uu ka shakiyay in dameer farow uusana ahayn xayawankan sidaa darteedna uu goáansaday in uu sawiro ka qaato si dadka uu ula wadaago.

Quburadda ku takhasustay arimaha  xayawanadka ayaa sheegay in sawiradan aysan ahayn dameer farow lakiin ay yihiin dameer la nashqadeeyay si dadka loogu qaldo loona ekaysiisyay dameer farow.

Agaasimaha beertan xayawaanka ee Garden Municipal Park ee dalka Masar Mohamed Sultan  oo arintan markii ay soo shaacbaxday kadib la hadlay warbaahinta dalkaasi ayaa sheegay in xayawaanka uu yahay dameer farow lakiin uusan ahayn dameer la nashqadeyay.

Warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in sheekadan oo kale ay horay uga dhacday Magaalada Qaza ee dhulka reer Falastiin kadib markii la nashqadeyay sidan oo kale laba dameer  loona muuqaal ekaysiyay dameer farow sanadi 2009.

Sidan oo kale sanadii 2013 beer dalxiis oo ku taala dalka Shiinaha ayaa Iyana nashqadaysay ey si una ekaysiyay libaaxa qaarada Africa.

Arimahan oo dhan ayaa la sheegay in salka ay ku hayaan beeraha dalxiiska aduunka oo mid kasta tartan ugu jirto in ay soo jiidato dalxiisayaal badan .

 

By Bile Beshir Mehbub

Xigasho stuff.co.nz

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here