Chiyo Miyako oo ah haweenay u dhalatay dalka Jabaan horay loogu aqoonsaday shaqsiga ugu dada wayn dunida Ayaan maanta ku geeriyootay dalka Jabaan sida warbaahinta dalkaasi ay baahinayso.

Mss. Miyako ayaa ku geeriyootay gurigeeda oo ku yaala degaanka  Kanagawa oo dhaca koonfurta Magaalada Tokyo ee Caasimada dalka Jabaan.

Miyako, ayaa dhalatay bishii May 2 sanadkii 1901 waxana ay noqotay qofka ugu dada wayn caalamka iyadoo lagu daray buuga Mucjisooyinka  Caalamka lagu qoro ee Guinness World Record.

Qoyska Mayako ayaa sheegay in ay ku caan baxday haweenaydaasi naxariis iyo dhaqan wanaag intii ay aduunyada joogtay.

 

By Bile Beshir Mehbub

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here