Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ganacsatada Soomaaliya ugu baaqay in ay ka faa iideystaan dadaalada dowladda FS ay ku dooneyso iney ku hormariso ganacsiga Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa sheegay in loo baahan yahay in laga faa iideysto maalgashiga shisheeye dowladda Soomaaliyana ay diyaar u tahay in ganacsatada ay fursado siiso.

Waxa uu xusay in ganacsatda Soomaaliyeed ay muhiim u yihiin hormarinta ganacsiga iyo kobaca dhaqaalaha dalka sidaasi darteedna loogu baahan yahay in fursadaha jira ay ka faa iideystaan.

Waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay in la sameeyo Kobac dhaqaalle oo ballaaran.

Ganacsatadda ayuu xusay in ay muhiim u yihiin geedi socodka Maagashiga Soomaaliya,islamarkaana laga doonaayo in ay qaataan door muhiim ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here