(TusmoFm) Nairobi:  Nuuradiin Xaaji oo ah agaasimaha waaxda dambi oogista dalka ayaa amar ku bixiyay In sida ugu dhaqsaha badan loo soo xiro masuuliyiin dowlada ka tirsan oo gaaraya ilaa iyo 7 masuul oo wajahaya eedaymo la xariira musuq iyo wax isdaba marin.

Mr. Haji ayaa dadka uu amray in la so xiro waxaa ka mid ah barasaabkii hore ee Dowlad goboleedka Nyandarua , Daniel Waithaka Mwangi, iyo 6 masuul oo kale .

Waaxda dambi oogista dalka ayaa sheegtay in Masuuliyiinta si khilaafsan sharciga dalka ay u bixyeen qandaraasyo ku saabsan biyaha iyo bulaacadaha, kaas oo qiimaha ahaan ku kacaya aduun lacageed oo garaya 50 Million oo shilinka dalka ah.

Dadka la eedaynaya ayaa waxa ka mid ah gudoomiyihii hore Nyandarua iyo Madaxdii waaxda biyaha iyo kheyraadka dabiiciga ah Ms Grace Wanjiru Gitonga, kuwaas iyana  ka mid ah dadka eedaha Musuqa la xarira wajahaya.

Dhawaanki dambe waxaa soo badanayay fadeexado la xariira musuq maasuqa iyo wax isdaba marin la sheegay in ay ka jirto laamo kala duwan oo dowlada ka tirsan.