(TUSMO FM)Nairobi- Maxkamada sare ee Magaladatan Nairobi ayaa diiday in ay xanibaada ka qaado Isticmaalka iyo ka ganacsiga Shiishada, arintaas oo ay u olalaynayaan  kooxo ganacsato ah.

Garsooraha Maxkamada ayaa sheegay in aysan ogolaan doonin wax dhibaato ku ah caafimaadka dadka Kenyaan ah,  taasi badalkeedana ay ka doorbidayso in uu qasaaro faaidadii laga heli lahaa ka ganacsigeeda Shiishada .

Maxkamada saree ee Magaladatan Nairobi ayaa sheegtay in xayiraada saran Shiishada ay sii jiri doonto islamarkaana ay tageersantahay go’aankii horay loogu mamnuucay isticmaalka Shiishadda.

Sanadii tagtay ee 2017 ayay ahayd markii wasiirka caafimaadka Dr. Cleopa Mailu oo ku dhawaaqay in la mamnuucay isticmaalka Shiishada ee guud ahaan dalka .