Hay’addaha u dooda xuquul insaanka ee Amnesty international, international commission of jurists iyo slum Dwellers ayaa ugu baaqaya madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta in uu usoo faragaliyo, islamarkaana uu joojijo dadka sida qasabka ah looga saarayo guryahooda iyadoo aan loo samayn dib u dajin.

Bayaan ay sida wada jir u so sareen hay’addaha xuquul insaanka ayay waxa ay ku shegeen in dadka sida qasabka ah looga sarayo guryahooda ee degaanka Kibera iyo degaanka Mau in ay jabinayso shuruucda xuuqaul insaanka ee dalka kenya iyo tan caalamiga ah inataba.

“Waxaan ugu baaqaynaa xafiiska Madaxweynaha in uu joojiyo barakicinta dadka ilaa dowladu ay la timaado qorsho dib u dajin loogu samaynayo dadka shacabka ah” sidaasi waxaa lagu yiri warkan qoraalka ah ee ka soo baxay ururadda xuquul insaanka.

Baaqa hay’addaha u lalaleeya xuquul insaanka ayaa imaanaya xili in ka badan 10,000 oo qof maalinti isniinta ahayd ay ku dhacday guri la’aan kadib markii masuuliyiinta wadooyinka dalka ay burburiyeen guryahoodi.