(Tusmo FM)-Mombassa:  Warbixin  cusub oo ay soo saartay hay’dda u dooda xuquul insaanka ee Haki Africa ayaa  lagu sheegay in hay’addu ay soo gareen maclumaad la xariira afduubyo lagula kacay dad shacab ah oo ay gaysteen ciidamada dowladda.

Haki Africa ayaa sheegtay in dhalinyarada la layahay ay ka soo kala jeedaan 6 ismaamul ( counti) oo ku yaala gobalka xeebta ee dalka kuwaas oo la aaminsnayahay in ay afduubteen laamaha amaanka dalka.

“Waxaa nasoo gaaray cabashooyin kala duwan oo ka imaaday qoysas fara badan kuwaas oo laamaha amniga ku eedeaynaya, gaar ahaan ciidamada difaaca dalka kenya iyo laamaha boliiska in ay ka dambeeyeen qaraabadooda la layahay.

“Waxaanu diiwaan galinay in ka badan 46 kiis oo ku aadan dhalinyarao la waayay intii u dhaxaysa bishii January iyo bishii July ee sanadkan ” sidaasi waxaa yiri agaasimaha fulinta ee haki Africa Xuseen Khaalid isagoo ka hadlayay shir jaara’id oo uu ku qabtay Magaalada Mombassa maalinti arbacada ahayd.

Taliyaha Ciidanka boliiska ee gobolka Mr. Noah Mwivanda, ayaa beeniyay eedaymaha loo soo jeediyay laamaha boliiska ee ku aadan in ay afduubteen dhalinyaro badan oo lala xiriirinayo falal argagaxiso, isagoo shegay in shaqada boliiska ay tahay in ay difaacan nolasha iyo hantiada shacabka sidaa darteed aysan ku lug lahayn afduubyaddaasi.

Mr. Mwivanda  ayaa sheegay in wararka sheegaya in Boliiska ay afduubteen dad la layaahy ay faafinayaan kooxo uu ku tilmaamay argagaxiso burcad ah, isagoo intaasi ku daray in boliisku ay bilaabi donaan baritaano arinkan la xariira.