Deegaanka Laas Xaadow oo dhanka Waqooyi kaga began caasimada maamulka Galmudug ee Dhuuso Mareeb ayaa laga soo sheegayaa biyo la’aan ba’an oo soo foodsaartay dadka iyo duunyada ku nool deegaankaasi.

Ceelkii Deegaanka ayaa cillad ku timid ay keentay dadka deegaanka inay u qaylo dhaansadaan hay’adaha ku shaqada leh arimaha biyaha.

Qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa Tusmo fm uga warbixiyay cabashadooda.

Cabaas Muuse Caynab oo ah agaasimaha waaxda biyaha wasaarada tamarta iyo khayraadka dowlad goboleedka Galmudug ayaa codsaday in gargaar degdeg ah dadkan lala soo gaaro.

Biyo la’aanta deegaanka haysta ayaa qaadatay afar asbuuc ka badan, waxaana qaar kamid ah dadkii iyo xoollihii deegaanka ay u biyo raadsadeen deegaano kale.

Facebook Comments