Mulkiilayaal dhul iyo dad deegaanka ayaa ku banaanbaxay wadada ku dherarsan marinka Twala iyo magaalada Ongata iyo Rongai.

Khadka mara wajiga labaad ee wadada tareenka ayay ku banaanbaxeen.Dowlada ayay ku eedeeyeen inay dayacday, ayna sugayeen inay helaan magdhow.

Mid kamid ah mulkiilayaasha oo la hadlayay warbaahinta isaga oo ka gaabsaday inuu xuso magaciisa ayaa sheegay in laga balan qaaday muddo labo bilood ah in lagu siinayo magdhow.

Waa bishii saddexaad sida uu sheegay mulkiilaha oo dowlada aanay wax war ah ka maqlin.

Dowlada ayaa bishan sheegtay inay siinayso lacag magdhow ah dadka haysta dukumintiyo sax ah ee wadada tareenka ay martay dhulkooda.