Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa la filayaa inuu Isniinta kula kulmo madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, caasimada Finland ee Helsinki.

Putin ayaa dowaladiisa lagu eedeynayay inay faragalisay doorashadii Maraykanka ee uu kusoo baxay Donald Trump.

Sarah Sandera oo ah afhayeenka aqalka cad ayaa sheegtay kulanka labada madaxweyne uu u dhici doono sida loo qorsheeyay.

Ruushka ayaa eedaha loo jeedinayo ku tilmaamay mid lagu baajinayo kulanka labada hogaamiye.

Baarayaasha Maraykanka ayaa weli ku howlan ogaanshiyaha xiriirkii ka dhaxeeyay ololaha doorashada madaxweynaha Trump iyo faragalinta doorashada ee lagu eedeynayo Ruushku inuu sameeyay.