Gabar 13 jir ah ayaa ku dhimatay, inka badan 40 qof qof ayaa dhaawacyo kasoo gaareen shil ka dhacay wadada isku xirta ismaamulada Siaya iyo Kisumu.

Shilkan oo maanta oo Axad ah ka dhacay aaga Nyagondo ee degmada Gem ayaa waxaa uu haleelay Bas adeega dadweynaha oo kusoo jeeday magaalada Nairobi.

Taliyaha taraafikada Siaya Margret Kariuki ayaa sheegtay gaariga baska uu wadada ka baxay, uuna qalibmay dhowr jeer.

Gaariga ayaa waxaa saarnaa rakaab ilaa 44 qof, waxaana intooda badan soo gaaray dhaawacyo, iyada oo qaarkood ay kasoo kabsadeen.