Iskuulo ku yaala ismaamulada gobolka Nyanza ayay ku fiday gubashada goobaha la seexdo ee ardaydu ay ku hoydaan. Iskuulada sare ee Chulaimbo iyo Usenge ayaa ugu dambeeyay kuwa gubtay.

Madaxa guddiga iskuulka Chulaimbo Mr Maurice Okuku ayaa sheegay in aysan jirin arday ku dhaawacantay dabka ka kacay iskuulka, waxaana xilligaasi ardaydu ay ku jireen waxbarashadooda habeenimo.

Ilaa 200 oo arday ayay saamaysay dabka iskuulkooda ka kacay, waxaana habeenikii xalay ay ku hoyden fasalada wax lagu barto.

Ardayda ayaa ku eedeeyay dab damiska in aysan si degdeg ah uga soo jawaabin dabka kacay.

Waalidiinta gobolka ayaa muujiyay walaac ay ka qabaan kororka iskuulada gubanaya oo hadda maraya ilaa sideed iskuul oo gobolka ku yaala.

Iskuulada uu saameeyay ayaa kala ah Maranda, Kisumu Girls, Ng’iya, Ambira, Maliera, Otieno Oyoo, Chulaimbo iyo Usenge