Inta la ogyahay ilaa 15 qof ayaa ku dhintay isku dhacyo dhexmaray ciidamada miltariga Uganda iyo kuwa Congo. Dagaalka ayaa ka dhacay harada Edward ee Waqootiga Kivu.

Ciidamada isku dhacay ayaa ilaalo ka ahaa harada, maadaama ay kala qaybiso labadaasi dal. Uganda ayaa dagaalka ay kaga dhinteen Afar askari iyo saddex qof oo rayid ah. Congo ayaa iyaduna askar iyo rayid uu khasaare kaga soo gaaray dagaalka.

Isku dhacyada xadka labada dal ayaan cusbayn, iyada oo horay sidan oo kale uu dagaal uga dhex dhacay.

Uganda ayaa bishii aynu soo dhaafnay xirxirtay 48 qof oo kaluumaysato kasoo jeeday Congo, kuwaasi oo ay ku eedeysay inay usoo gudbeen xadkeeda si sharci daro ah.

Facebook Comments