Maxamed Saalax ayaa heshiis cusub oo dheer u saxiixay kooxda Liverpool. Heshiiskan ayaa socon doona ilaa 2023.

Asbuucii ayaa la filayaa inuu qaato £200,000, iyada oo horay u qaadanayay £100,000.

Kooxda Liverpool ayaa ciyaartooydeeda ay bilaabeen isku diyaarinta ciyaaraha horudhaca ah ee ka horeeya xilli ciyaareedka rasmiga ah.

Saxiixa heshiiskan cusub ayaa Liverpool ay uga gol leedahay inay ku dhiiri galiso Saalax oo xaggaagii hore soo bandhigay ciyaar wanaagsan, isaga oo noqday ciyaaryahanka ugu wanaagsan ee horyaalka Premier League.

Maamulaha kooxda Jurgen Klopp ayaa sheegay heshiiska lagu abaal mariyay Saalax ay tahay mid ay keentay dadaalka uu muujiyay iyo waxa uu kooxda kusoo kordhiyay.

Maxamed Saalax ayaa hadda fasax ku maqan, iyada oo dib ula laabtay xulkiisa qaran ee Masar, kadib markii ay ku guul daraysteen inay dhaafaan is-reeb reebka koobka aduunka ee dalka Ruushka.