Dadka deegaanka bariga Trukana ayaa weeraray ceelka shidaalka Ngamia 8 ,iyaga oo ka mudaharaadaya amni xumada ka jirta xuduudka Turkana iyo Baringo.

Xarunta ayaa leh kayd taangiyo  gawaarida  lagu qaado shidaalka cayriin kahor inta aan loo qaadin warshada Changamwe ee Mombasa.

Dadka deegaanka ee tagay goobta ayaa cuuryaamiyay shaqadii socotay, waxaana  ay weydiisteen ilaalada inay u gudbaan gudaha. Qaar kamid ah dadka ayaa u dhacay xarunta , halka qaar kale ay jabiyeen qufulkii.

Dadka ayaa diiday in shidaal kale laga qaado goobta, iyaga oo doonaya madaxweyne Uhuru Kenyatta uu wax ka qabto amni darida deegaanka ka jirta.

“ Halkan aan joogno waa meesha uu madaxweyne Uhuru Kenyatta kaga dhawaaqay maalinta taariikhiga ah ee Kenya ay kamid noqotay dalalka shidaalka soo saara, waxaana u marinaynaa halkan fariin inay dalkayaga nagu dileen dad hubaysan,iyada oo shidaalka la daabulayo ay la socdaan ciidamo amnigiisa adkaynaya”

“ Turkana waxaa ay hodon ku tahay labo nooc, Xoolaha iyo Shidaalka. Ma jrito waddo ay ku socon karto arintan, iyada oo aan waxba nalooga tagayn” ayuu yiri Mr Long’olekol.

Mr Ekai Etudo oo Ari’ raac ah ayaa sheegay inay ka doonayaan dowlada inay ugu xaqiijiso %5 dakhliga shidaalka inay ugu shubto akoonadooda bangi.

Dadkan ayaa ku doodaya inay shaqada sii cuuryaamin doonaan haddii aan wax laga qaban cabashadooda amni xumida iyo tan dhaqaale.