Kooxda reer Ingiriis ee Newcastle United ayaa lasoo wareegtay ciyaaryahanka Kuuriyada Koonfureed Ki Sung-Yueng, iyada oo u saxiixday heshiis Labo sanno ah.

Ki ayaa isaga tagay Swansea City, kadib markii ay hoos uga dhaceen horyaalka Premier League.

Ciyaaryahankan ayaa noqonaya kii labaad oo ay Newcastle United lasoo wareegto, iyada oo uu ka horeeyay goolhaye Martin Dubravka.

“ Waan ku faraxsanahay in Ki aan kusoo dhoweeyo kooxda. Waa ciyaaryahan leh khibrad Premier League iyo mid caalami ah, waxaana ay ahayd go’aan fudud keenitaankiisii halkan” ayuu yiri maamulaha kooxda Newcastle Rafael Benitez.

Kabtanka Kuuriyada Koonfureed ayaa horay ugu soo ciyaaray kooxda Sunderland. Ki ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay ku biiritaankiisa Newcastle United.

Ki ayaa ka caawiyay Kuuriyada Koonfureed inay ku garaacdo wareega koowaad ee koobka aduunka xulka Germany, inkasta oo qarankiisa aanay usoo gudbin wareega labaad.