Jabhadda ONLF ayaa ka hadashay shidaalka laga soo saaray deegaanka Soomaalida Itoobiya,kuna tilmaamay gacan dhaaf lagu sameeyay shacabka Soomaalida ee dhulkaasi.

Afhayeenka ONLF Caddaani Hiirmooge ayaa sheegay in aysan Itoobiya kamid ahayn,lana lahayn dhaqaalahooda. iyaguna ay ka dhiidhiyeen xoogga lagu qabsaday sida uu sheegay dhulkooda oo ah hanti shacab Soomaaliyeed.

Itoobiya ayaa aaminsan sannadka ugu horeeyay dhaqaalaha kasoo xaroonaya shidaalka uu noqonayo Hal bilyan, iyada oo maalinkii lasoo saari karo 450 Fuusto.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa ku naaloonaya in marka laga dhoofiyo shidaalka dekeda Jabuuti ay uga soo xaroondoontu fuustooyinka shidaalka ilaa 8 bilyan oo doolar.

Isbedelka Itoobiya ku yimid ayaa Ra’iisul wasaare Abiy ku doonayaa inuu uga faa’iideysto kor usoo qaadida dhaqaalaha dalkaasi Federaalka.

Inkasta oo awooda ONLF ee dhanka dagaalka ay sii liidanaysay haddana lama oga bedelka ay ku samayn karto hadalka kasoo yeeray,wadahadaladii ay la lahaayeen Itoobiya.

Facebook Comments