Ugu yaraan 15 qof ayaa laga cabsi qabaa inay dhinteen, halka 60 kale ay ku dhaawacmeen dabka qabsaday qaybo kamid ah Gikomba.

Qof goob jooga ah ayaa sheegay inay tiriyeen maydka ilaa Lix qof oo gubtay,iyada oo aan la aqoonsan karin.

Qaar kamid ah dadka dhintay ayaa gubtay, halka kuwo kale ay ku hafteen suntan qiica gaaska iyaga oo isku dayaya inay soo badbaadsadaan wax uun uga haray hantidoodii.

Gudoomiyaha amaanka heer gobol Kang’ethe Thuku ayaa u sheegay warbaahinta in aan lasoo saarin ilaa sagaal mayd oo ku jira goobta dabku qabsaday.

Dadka gubtay ee dhaawacyadu soo gaareen ayaa hadda gaaraya ilaa 70, waxaana look ala qaaday cisbitaalka Kenyatta iyo cisbitaalo kale oo magaalada ku yaala.

Suuqa Gikomba oo ah caan ayaa ku yaala aaga Mejengo, degmada Kamukunji ee ismaamulka Nairobi. Waxaa lagu gadaa dharka lasoo isticmaalay ee loo yaqaan Huudheerka ee ah gacanta labaad.

Suuqan ayaa la kulmayay gubasho soo laalaabtay tan iyo 2015. Sannadkii aynu soo dhaafnay ayay ahayd markii uu madaxweyne Uhuru Kenyatta amray in la baaro labo jeer oo uu suuqaasi gubtay.