Wafdi ay hogaaminayaan wasiirka arrimaha dibadda iyo La taliyaha madaxweynaha Eritrea Osman Saleh iyo Yemane Ghebrab ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay Addis ababa. Soo dhoweynta ayaa waxaa qayb ka ahaa Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

Wafdiga ayaa ujeedkiisa socdaal ee Addis ay tahay in laga wada hadlo sidii xal looga gaari lahaa soo afjarida colaada muddada dheer soo jirtay ee labada dal.

Eritrea ayaa go’aanka ay gaartay uu sabab u ahaa markii Abiy Axmed uu go’aansaday inay ka tanaasulaan xadkii ay isku haysteen dowlada Asmara, uuna waafaqo go’aankii QM ee sannadii 2002 ee Eritrea loogu xukumay dhulkii laysku haystay.

Colaada Itoobiya iyo Eritrea ayaa soo jiitamaysay muddo labaatan sanno ku dhow iyaga oo isku haysta deegaano dhaca xadka labada dal.