Heshiis Afar sanno soconaya ayaa Radja Nainggolan u saxiixay kooxda kubbada cagta reer Talyaani ee Inter Milan.

Nainggolan ayaa ku biiraya kooxda uu xifaaltanka kala dhexeeyo kooxdiisii hore Roma ee Inter.

Lacagta xiddigan uu ugu biiray Inter ayaa gaaraysa £21 milyan oo ay la socdaan daafaca Davide Santon iyo xiddiga 18 jirka ee khadka dhexe Nicolo Zaniolo oo ku biiraya Roma.

Nainggolan oo khadka dhexe uga dheelayay Belgium ayaa dhowaan ka fariistay ciyaaraha qaranka ee xulkiisa.

Ilaa 28 gool ayuu dhaliyay 155 jeer oo uu kasoo muuqday ciyaarihiisa kooxda As Roma.