Qayb kamid ah xildhibaanada baarlamanka Kenya ee xisbiga Jubilee ayaa u qalqaalinaya xildhibaankii hore ee Gatanga Peter Kenneth inuu ku xigeen u noqdo William Ruto doorashada 2022.

Xildhibaanadan oo ay kamid ahaayeen Moses Kuria (Gatundu South), Ndindi Nyoro (Kiharu), Jayne Kihara (Naivasha), Irungu Kang’ata (Senator-ka, Murang’a), Kindiki Kithure (Senator-ka, Tharaka Nithi) ayaa ugu yeeray Kenneth xisbigiisa KNC uu isbahaysi la samaysto Jubilee, uuna sidoo kale gacan qaado madaxweyne ku xigeenka William Ruto.

Hogaamiyayaashan oo ka hadlay Eldoret ayaa Kenneth ku tilmaamay qof ku haboon la shaqaynta Ruto, maadaama madaweyne ku xigeenku u sharaxan yahay madaxweynanimada xisbiga Jubilee 2022.

Xildhibaanada hadalkan kasoo yeeray ayaa meesha ka saaray kala jabid soo wajahda xisbiga Jublee ayna midaysan yihiin

Hogaamiyaha aqlabiyada Senate-ka Kipchumba Murkomen ayaa ku eedeeyay Raila Odinga inuu wado dabin lagu burburinayo Jubilee kahor doorashada 2022.

Peter Kenneth ayaa looga adkaaday doorashada gubernatooraha Nairobi 2017 iyo sidoo kale doorashadii madaxweynaha sannadkii 2013.