Waxaa sii kordhaya hadal haynta  ka dhalatay sharciyada cusub ee maamulka Trump ka sameeyeen soo galootiga kasoo gudbaya xadka Mexico, iyada oo la kala soocayo caruurta iyo waalidkooda.

Luara Bush oo mar soo noqotay marwada koowaad ee Maraykanka ayaa ku dhaliishay maamulka Trump siyaasadooda la xiriirta soo galootiga, gaar ahaana lagu kala reebayo waalidka iyo caruurtooda.

Caruurta ayaa loo sameeyay xeryo gaar ah oo lagu hayo, halka waalidiinta la xirayo, laguna soo eedeynayo in si sharci daro ah ay Maraykanka kusoo galeen.

Marwada Koowaad ee Maraykanka Melania Trump ayaa sheegtay inay dhibsanayso inay aragto waalidiin iyo caruurtooda la kala soo cayo.

Donald Trump oo isagu ololihiisa doorashada kusoo galay weeraro afka ah oo ku qaaday soo galootiga ayaa dadka ka faalooda siyaasada Maraykanka ay u arkaan inay tahay fulinta balanqaadyadiisii hore ee kaga soo horjeeday dadka qaxootiga iyo magangalyo doonka.