Iyada oo ay sii kululaanayso xiisaha ciyaaraha koobka aduunka ee dalka ruushka ayaa laamaha amaanka lagu faray adkaynta amniga guud ahaan dalka si loo joojiyo falal kasta oo dambiyeed iyo argagixiso.

Taliyaha booliska Joseph Boinnet ayaa si gaar ah u amray in meelaha ay isugu imaanayaan taageerayaasha ciyaaraha Ruushka ka socdo la adkeeyo amaankooda.

Taliyaha booliska ayaa ku amray taliyayaasha ciidamada Kowntiyada inay ku kordhiyaan meelaha bulshadu isugu imaanayso muqaalada dabagalka si loo xaqiijiyo amaankooda.

Taliyuhu waxaa kaloo uu amray in daawadayaasha ay maraan baaritaano kahor inta aan loo fasaxin goobta ay ciyaarta ka daawanayaan.

Ujeedka amaradan ayaa ah in lagu xaqiijyo taageerayaasha ciyaaraha lagaga difaaco wax walba oo amanakooda khatar galinaya oo ay ku jirto argagaxisanimo iyo khataro kale.

Arintan ayaa kusoo beegmaysa kadib markii kooxa tuugo ay soo weerareen goob ciyaaraha laga daawada oo ku taala Galbeedka Kisumu, halkaasi oo ay ku dileen sarkaal ka tirsanaa KEMRI oo lagu magacaabay Prof. Peter Adada Kasumba.