Saddexdii asbuuc ee ugu dambaysay ilaa 40 qof ayaa la sheegay inay ku dhinteen dagaalo mar kale kasoo dhex cusboonaaday Soomaalida iyo Oromada dalka Itoobiya.

Deegaan qiyaastii ku dhowaad 60km dhanka Waqooyi ka xiga magaalada Jigjiga ee xarunta ismaamulka Soomaalida Itoobiya oo lagu magacaabo Tulli Guuleed ayaa dilalka iyo isku dhacyadu ay ka dhaceen.

Qabiilooyin hoose oo ka kala tirsan bulshooyinka Oromada iyo Soomaalida ayaa la sheegay dagaalku inuu u dhaxeeyo, kuwaasi oo marar hore sidan oo kale u dagaalamay.

Waxaa jira dad isaga qaxay tuulooyinka u dhow deegaanka lagu dagaalaay, kuwaasi oo ku barakacay iskahor imaadyadan.

Weli kama aysan hadlin labada ismaamul ee Oromada iyo Soomaalida iyo sidoo kale dowlada federaalka dagaaladan u dambeeyay.