Ku xigeenkii gudoomiye waaxeed ka tirsanaa Degmada Howl-wadaag ee gobolka Banaadir ayaa kamid ahaa Labo qof oo lagu dilay habeenkii xalay gudaha magaalada Muqdisho.

Waaxda Saqaawadiin ee Degmada H/wadaag ayuu ku xigeenka ahaa, waxaana la sheegay dilkiisa inay gaysteen rag ku hubaysnaa bistoolado.

Dilka ayaa ka dhacay xaafada Shanta, iyada oo kooxihii dilka gaystay ay baxsadeen.

Degmada Dharkinley ayaa isagana lagu dilay Xasan Gaadeey oo kamid ahaa ergadii soo xulay mid kamid ah xildhibaanada baarlamanka federaalka ee laga soo doorto Koonfur Galbeed.

Marka laga soo tago dilalka habeenkii xalay ka dhacay muqdisho, waxaa jirtay is-rasaaseyn laga maqlayay  degmada Huriwaa, lamina oga khasaare ka dhashay hubkii lays weydaarsanayay.

Muddooyinkii u dambeeyay waxaa magaalada Muqdisho kusoo kordhayay dilalka bareerka ee loo gaysanayo dadka shacabka ah, waxaana qaar kamid ah sheegtay inay ka dambeeyeen kooxda alshabaab.