Xulka kubbada cagta Sacuudiga ayaa guul daro xoogan kala kulmay ciyaartii ugu horaysay ee koobka aduunka xulka kubbada cagta ee Ruushka.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 2:0 , waxaana kaambiyadii dambe saddex gool loo raaciyay Sacuudiga, taasi oo ka dhigtay mid baabi’isay rajadii ay goolasha isaga soo gudi lahaayeen.

Artem Dzyuba,Denis Cheryshev,Aleksandr Golovin ayaa kala dhaliyay saddexdii gool ee dambe ee xulka Ruushka. Denis ayaa isagu labo gool ku lahaa 5-ta gool ee Ruushku ku badiyeen.