Muslimiinta Kenya iyo guud ahaan caalamka ayaa u dabaal degaya maalinka beri ee Jimcaha Ciidul Fitri. Jiif Qaadi Axmed Muhdhar ayaa ku dhawaaqay in bishii barakaysnayd ee Ramadan ay dhamaatay berina ay tahay Ciid.

Sheekh Muhdhar ayaa ka sheegay Mombasa in qaybo kamid ah Kenya laga arkay bisha, sidaasi darteedna ay tahay Ciid.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa sidoo kale ugu hambalyeeyay shacabka Muslimiinta maalinka Ciidka.

Maamulka iyo shaqaalaha Tusmo FM ayaa sidoo kale ugu hambalyaynaya shacabka muslimiinta ah munaasabada Ciidka.