Haweenay 93 jir ah ayaa subaxnimadii arbacada laga helay maydkeeda iyada oo la kufsaday, tuulada Kithimu ee ismaamulka Embu.

Maydkeeda ayaa waxaa arkay gabadha ay ayeeyada u tahay, waxaana uu yaalay albaabka jikada,iyada oo jirkeedu qaawan yahay.

Kaaliyaha jiifka deegaanka James Nyaga ayaa u xaqiijiyay warbaahinta dhacdadan, isaga oo sheegay inay socdaan baaritaanada kufisga iyo dilka loo gaystay hawenaydan da’deedii sagaashanaadka ku jirta.

Nyaga ayaa xusay in falkan uu kusoo beegmay labo toddobaad kadib markii lagu kufsaday isla deegaanka gabar 8 sanno jir ah.

Dadka deegaanka ayaa cabsi soo wajahday, waxaana kordhaya tirada haweenka la kufsanayo iyaga oo aan loo eegayn da’dooda yaraan iyo weynaan.