Taliska ciidamada Imaaraatka ayaa xaqiijiyay in 4 askari oo ka tirsan ciidamadooda lagu dilay dagaaladii u dambeeyay ee magaalada dekeda leh ee Xudeyda.

Ciidamada huwanta ee uu hogaaminayo Sucuudiga iyo kuwa dowlada Yemen ayaa kusii siqaya magaalada Xudeyda iyadoo dagaalkuna uu sii adkaanayo.

Weeraro dhulka iyo xirka ayaa xulufada Sucuudigu ay ku qaadeen Xudayda oo haatan ay gacanta ku hayaan Xuutiyiinta

Xuutiyiinta ayaa la sheegay dekeda Xudeyda inay u tahay muhiim, hubna ay uga soo dejeiyaan Iiraaniyiinta oo taageera jabhadaasi.

Dowlada Iiraan ayaa iska fogaysay eedeymo looga soo jeediyay arimahaasi.

Ciidamada Yemen ayaa la sheegay inay qabsadeen deegaanka Nekheila, sida uu baahiyay taleefishka Alcarabiya.

Xuutiyiinta ayaa ku mintidaya dekeda Xudeyda, maadaama ay tahay magaalada kali ah deked leh oo ay gacanta ku hayaan.