Wasiirka ganacsiga Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa wareegto xafiiskiisa kasoo baxday ku sheegay inay mamnuuceen in dalka la keeno qalabka caruurta ay ku ciyaaraan maalmaha ciidka.

Qalabka la mamnuucay ayaa waxaa kamid ah Biskooladaha, qoryaha iyo wixii lamid ah.

Wareegtada ayaa lagu sheegay qalabka la mamnuucay inay yihiin kuwo dhiiri galinaya colaada, horseedayana amni darada dalka ka taagan, iyada oo 27-dii sanno ee lasoo dhaafay ay Soomaaliya ku jirtay colaad.