Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa daah-furay dhismaha wadada Lunga Lunga-Vanga-Majoreni-Kanana ilaa Shimoni, taasi oo la shorsheeyay dhamaystirkeeda sannada 2022.

Mashruucan waxaa ku baxaya dhamaystirkiisa 3.2 bilyan oo shilling. Waxaa uu sare u qaadayaa dhismaha wadada dalxiiska iyo kaluumaysiga.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa codsaday in wadada lagu dhamaystiro muddo 2 sanno gudaheed ah, maadaama ay aad muhiim u tahay.

Waxaa uu kaloo codsaday Ruto in shaqaalaha la shaqaynaya shirkada heshiiska la siiyay ay noqdaan kuwo deegaanka kasoo jeeda.