Ra’iisul wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa maanta kormeer ku tegay wasaaradaha Maaliyadda iyo Warfaafinta si uu ugu kuur galo habsami u socodka howlaha ballaaran ee wasaaraduhu u hayaan shacabka Soomaaliyeed

Wasaarada Maaliyada oo uu ku hor-maray Ra’iisul wasaaruhu ayuu warbixin kaga dhagaystay wasiirka maaliyada Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo ka hadlay halka ay marayso cafinta daynta lagu leeyhay Soomaaliy. Wasaarada warfaafinta oo uu booqday ayaa ra’iisul wasaaruhu waxaa uu kormeeray Taleefishinka qaranka, iddaacada Radio Muqdisho iyo laamaha kale ee wasaaradaasi.

Ujeedka kormeerka ayaa ah in ra’iisul wasaaruhu kula socdo shaqooyinka ay hayaan iyo inuu jiro isla xisaabtan.