Illaa Shan qof ayaa ku dhintay halka toddobo kale ay ku dhaawacmeen gaari baska nooca (matatu ) oo ay ku safrayeen, kaasi oo shil ku galay Chebiwor, Londiani oo ku taala wadada u dhaxaysa Nakuru iyo Kericho.

Shilka oo dhacay maanta oo Axad ah ayaa sabab u ahaa kadib markii gaariga baska uu ku dhacay gaari xamuul ah.

Taliyaha booliska Londiani Joseph Odipo ayaa u xaqiijiyay warbaahinta shilkan, isaga oo xusay gaariga baska uu kusoo wajahnaa Nairobi kana soo baxay magaalada Busia.

Dadka dhintay ayaa isugu jiray Shan haween ah iyo Labo rag ah.

Dadka dhaawaca ah oo qaybtood halis ah ayaa loola cararay cisbitaalka Londiani,iyada oo markii dambe loo qaaday cisbitaalka ismaamulka Kericho.

Maydadka ayaa la geeyay qaybta maydadka cisbitaalka Molo.

Taliye Odipo ayaa kula dardaarmay darawalada in ay feejignaan muujiyaan xilliga ay safarka ku jiraan , gaar ahaan habeenkii oo shilalka ugu badan ay dhacaan.